Wasiirka Arimaha dibada oo booqday Dadkii ku dhaawacmay qaraxii Gaalkacyo

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa booqday  qaar ka mid ah dad kii ku dhaawacmay qaraxii Alshabaab shalay  gelinkii dambe ka fuliyeen Magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka Arimaa dibada ayaa u duceeyay Dadkii shalay ku ku dhintay kuna dhaawacmay

“ Waxaan leennahay Allaha u booga dhayo inta dhaawaca ah, intii dhimatayna naxariista janno Alle ha siiyo,” yiri wasiirka Arimaha dibada.

Wasiirka ayaa shaqaalaha caafimaadka Cisbitaalka magaalada Gaalkacyo ka wareystay  xaaladda bukaanada, isagoo sidoo kale, xog wareystay qaar ka mid ah Bukaanada xaaladdooda caafimaad soo hagaageyso.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com