Maamulka Galmudug Amar ka soo saaray jarista dhirta

Maamulka gobolka Mudug ee Galmudug ayaa digniin ka soo saaray jarista dhirta, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay uu maamulka Galmudug ku howlanaa la dagaalanka jarista dhirta.
Maalmihii ugu dambeeyey waxaa howlgal looga soo horjeedo jaraista Dhirta uu ka dhacay koonfurta gobolka Mudug laguna soo qabqabtay dad la sheegay inay ka ganacsanayeen dhirta.
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Galmudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye, ayaa sheegay in hadda ay diyaariyeen ciqaabtii uu muteysan lahaa qofka lagu qabto isagoo dhirta jaraya.
Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in la qabtay kulankii ugu dambeeyey ee odayaasha dhaqanka deegaanka ay la yeesheen, si loo hor dhigo sharciga laga diyaariyey la dagaalanka jarista dhirta.

Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com