RW Rooble oo Aqblay baaq ka soo yeeray midowga musharixiinta ee ah in la qabto shir looga hadlayo Arimaha doorashooyinka.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Galmudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye, ayaa sheegay in hadda ay diyaariyeen ciqaabtii uu muteysan lahaa qofka lagu qabto isagoo dhirta jaraya.
Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in la qabtay kulankii ugu dambeeyey ee odayaasha dhaqanka deegaanka ay la yeesheen, si loo hor dhigo sharciga laga diyaariyey la dagaalanka jarista dhirta.
Waxa uu sheegay in sharcigaas uu ka hir-galay magaalada Hobyo oo horay ay ugu qaadeen sharcigaan dad ku howlanaa jarista dhirta, isla markaana wixii maanta ka dambeeya uu sharcigaan ka hir-geli doono deegaanada kale ee gobolka Mudug.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa aqbalay soo-jeedintii Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ee aheyd in la isugu yimaado shir ku saabsan doorashooyinka dalka.
Qoraal kasoo baxay Midowga 9-kii December ayaa lagu yiri “Golaha wuxuu soo jeedinayaa in la hakiyo doorashada oo la isugu yimaado shir wadatashi ah, si loo joojiyo boobka, lana xalliyo tabashooyinka laga qabo sida ay ku billawdeen doorashooyinka Golaha Shacabka, lana saxo habraaca iyo habdhaqanka doorashada lagu wado.”
Ra’iisal wasaare Rooble ayaa aqbalay baaqa midowga musharixiinta ee ah qabashada shirkaas, si loo moojiyo in Golaha Wadatashiga Qaran, oo ay ku mideysan yihiin Rooble iyo Madax Goboleedyada, ay doonayaan in la xaliyo tabashooyinka jira.
dhinaca kale Xubno ka tirsan Midowga Musharixinta ayaa didan dalabka midowga musharixinta ee la xiriira qabashada shir looga hadlayo doorashooyinka .

Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com