Ciidanka Danab oo Xubno ka Tirsan Alshabaab ku dilay gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Militariga ee Kumaandooska DANAB ayaa waxaa ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen degaanno hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha howlgalka hor kacaysa  ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedkooda uu ahaa la dagaalanka Al-Shabaab, isla markaana ay dileen saraakiil iyo dagaal yahoo ka tirsan Al-Shabaab.

Taliyaha Ururka 5aad ee guutada DANAB  Carab Dheeg Axmed ayaa warbaahinta Dawlada u sheegay in howlgalkaas lagu dilay saddex Horjooge iyo 13 xubnood oo kale oo ka tirsan Al-Shabaab, sidoo kalena ay nolosha ku qabteen lix xubnood.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay sheegay in Ciidanka ay bur-buriyeen xarumo Al-shabaab ay ku lahaayeen degmadaasi Jamaame ee gobolka Jubadda hoose howlgalkana uu ahaa mid qorsheeysan .

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com