Dhageyso: Boqor Maxamed Jaamac Suldaan Cumar oo warsaxaafdeed uu soo saaray ku baaqay in dib loogu laabto doorashada kuraastii la boobay

Iyadoo shir uu ka socdo Muqdisho ay leeyihiin golaha wadatashiga qaran islamarkaana lagu saxayo khaladaadkii ka dhacay doorashooyinka dalka ayaa hadana waxa jira baaqyo kasoo baxaya siyaasiyiinta dalbanaya in la saxo wixii hore loo indho saabay sharcigana looga dhigay.

Qoraal uu soo saaray mid kamid ah saxiixayaasha 135-kii oday dhaqameed ee soo xulay ergooyinka soo dooranayey xildhibaanada ayaa waxa uu soo jeediyey in la saxo khaladkii la galay doorashada golaha shacabka.

Boqor maxamed jaamac suldaan cumar oo kusugan Muqdisho ayaa waxa uu soo jeediyey isagoo fariintiisa udiray Madasha Wadatashiga Qaran,Midowga Murashaxiinta iyo Beesha Caalamka dib usixida kuraas uu sheegay in la boobay.

Nuqul ka mid ah warsaxaafadeedka ayuu sheegay in loo baahan yahay dib loogu laabto kuraasta gobollada wuqooyi ee Muqdisho lagu doortay sida kursigii uu kusoo baxay R/wasaare Kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed Khadar oo 1-dii bishaan November loo doortay Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka.

Oday Dhaqameedka cabashada muujinaya ee Boqor Maxamed Jaamac Suldaan Cumar ayaa soo gudbiyey in lasameeyo sax ahaanshiyaha odayaasha dhaqanka 135-kii saxiixe lana hubiyo kadibna doorashadu noqoto mid daah furan.

Madasha wadatashiga qaran ayaa seddexdii cisho lasoo dhaafay waxay la kulmayeen saamileyda siyaasada dalka iyagoo dhageysanayey aragtidooda si loo saxo khaladaadkii dhacay inta doorashada socotay islamarkaana la mudeeyo doorasho wakhtiyeysan mudada lasoo gaba gabeenayana la shaaciyo.

Ashtakada ay qabaan odayaasha dhaqanka beelaha qaar ee kuraastooda in la boobay ayaa la sugayaa go’aanka shirka teendhada afisiyooni ka socda iyo sida uu udamiyo dab siyaasadeedka lagu dhex shiday.

 

Halkaan ka Dhageyso warbixinta