Mareykanka Oo War Kasoo Saaray Markab Laga Afduubtay Biyaha Caalamiga Ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa Maanta oo Arbaca ah, cambaareysay afduubka kooxda Xuutiyiinta ay kula kaceen Markabka “Rawabi” oo  ku safrayay xeebaha Xudeydah ee dalka Yeman.

Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa afduubka markabka ku timaantay mid khatar ku ah socdaalka Marakiibta caalamiga ah ee isaga kala goosha Biyaha badda cas.

Ciidamada Isbahaysiga Yeman ayaa horay ugu dhawaaqay in weerarada Marakiibta loogu geeysta dekeddaha Yeman ay ka dhigantahay bartilmaameed millatari, cid kasta oo fafalkaas ku kacdana ay talaabo ka qaadi doonaan.

Afhayeenka Ciidamada Isbaheysiga Yeman Sareeye Guuto Turki Al-Maaliki, ayaa sheegay in marka laga soo tago Warsaxaafadeedka ka soo baxay Taliska Ciidamada Isbaheysiga, in maleeshiyaadka Xuutiyiinta uu u gacan galay Markabka Rawabi xilli uu marayay biyaha caalamiga ah ee Badda Cas, iyaga oo si xoog ah ku geeyay dekedda Saliif.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com