Ciidamo ka Tirsan Puntland oo Xabsi loo taxaabay

Booliiska Puntland , ayaa xalay xabsiga dhigay 13 askari oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland, sida ay xaqiijiyeen saraakiilka tirsan maamulka Puntland.

Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland , ayaa xalay  isku-dayay in ay xoog kula baxaan hub ku xeraysan xarunta Tababarka Ciidamada Xorgoble, balse Booliiska ayaa fashiliyay tallaabadaas.

Is-rasaasayn dhexmartay labada dhinac, lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay, waxaana Amniga Xarunta la wareegay Booliiska oo kaashanaya ciidanka Madaxtooyada Qardho.

20 askari oo isku-daygaas ku eedaysan ayaa 13 kamid ah gacanta lagu dhigay, halka 7 kalena ay goobta isaga baxsadeen, sida ay Saraakiishu sheegtay.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com