Shirka Golaha Watashiga Qaran oo maalintii Afaraad lagu qabanayo Muqdisho

Maanta Maalintii Afaraad ayaa lagu qabanaaya Magalada Muqdisho Shirka Golaha wadatashiga Qaran, oo ka kooban Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda Dowlad Goboleed iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirka maalintii uu furmay maalintii kale ee xigtay ayaa Warbixino looga dhageystay, Midowga Musharrixiinta, Wakiilada Beesha Caalamka, Ururada Bulshada rayidka iyo Wakiilo ka socda Haweenka.

Wararka ayaa sheegaya Ra’iisul Wasaare Rooble uu dalbaday in lagu wareegiyo, Amniga maadaama isga doorashada uu hogaaminayo waxana taasi la sheegay in ku kala fikrad duwanaadeen Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxaana Wararka la helay ay sheegayeen in Ra’iisul Wasaaraha uu sheegay in hadii aan lagu wareejin amniga dalka aan la qaban karin doorashooyinka dalka.

Maanta ayaa la filayaa in Golaha wadatashiga Qaran ay dood aad u adag ka yeeshaan Amniga Guud ee dalka iyo caqabadhaa heysta arrimaha doorashooyinka dalka, si shirka la soo geba-gabeeyo Madaxdana Warmurtiyeed ay kasoo saaraan.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com