Baarlamaanka Jarmalka Oo Si Aqlabiyad Leh U Ansixiyay Mooshin Lagu Taageerayo Ukraine

Baarlamaanka dalka Jarmalka ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay mooshin lagu taageerayo in hub culus la siiyo dalka Ukraine. Tallaabadan ayaana imaanaysa laba maalmood uun ka dib markii ay dawladda dalkaasi ay xaqiijisay in Ukraine ay gayso taangiyada lidka diyaaradaha, taas oo muujinaysa isbeddel weyn oo ku yimi mawqifkeeda.

Mooshinka baarlamaanka — oo ay taageerayaan isbaheysiga talada haya iyo xisbiga ugu weyn mucaaradka – ayaa lagu wadaa in uu fududeeyo heshiisyada hubka ee mustaqbalka. Dadka dhaleeceeya ayaa ka cabsi qaba in tallaabadani ay horseedi karto in dagaalka uu sii xoogaysto.

Hoggaamiyaha Jarmalka, Olaf Scholz, ayaa sheegay in uu ka mahadcelinayo taageerada cad ee baarlamaanka Jarmalka. wuxuuna sheegay in Berlin ay bixin doonto tababar iyo wax xoogaa hub ah.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com