Dhageyso: Maamulka Gobolka Hiiraan oo baaq ka soo saaray Colaad ka taagan degaanka Kabxanleey

Gudoomiye ku xigeenka Arimaha bulshada Maamulka Gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cusmaan Cali oo u waramay warbaahinta ayaa ku baaqay in la joojiyo colaad Beeleed ka Taagan degaanka Kabxanley ee gobolka Hiiraan.

Colaada ayaa waxaa ka dhashay khasaare isgu jira dhimasho iyo dhaawac iyadoo labada maleeshiyo Beeleed ay weli isku horfadhiyaan degaanka.

Maalintii Jimcaha aynu soo dhaafnay  ayaa dad shacab ah lagu dilay degaanka Kabxanle taas oo keentay in dagaal uu dhexmaro  laba maleeshiyo Beeleed oo ku dagaalamay halkaas.