Dhageyso: Wafdi ka socda koofur galbeed oo gaaray degmada Xudur

Wafdiga ooo heer wasiir ah ayaa lagy soo dhoweeyey magaalada Xuddur Waxaana   horkacayay wasiirka Cadaalada iyo garsoorka dowlad goboleedka koonfur galbeed Xasan Ibraahim Lubuur oo ay whliyaan Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha diinta koonfur galbeed Saalax Shariif Siidkay  iyo guddoomiyaha gobolka Bakool Shiine Macalin Nuur.

Soo dhoweyn Wafdiga loogu sameeyey guddaha garoonka ka dib wafdiga ayaa loo galbiyey guriga martida ee gobolka Bakool halkaas oo ay kulan kula qaateen golaha deegaanka degmada Xuddur, maamulka degmada Tiyeeglow iyo kan gobolka Bakool .

Mas’uuliyiintaan heer Wasiir ee magaalada soo gaaray ayaa maamulka uga warbixiyey ujeedada safarkooda, mudada ay sii joogayaan magaalada iyo kulumo ay laqaadan doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada, maamulada iyo booqasho ay ku sameyn doonaan masaajidka weyn ee dhawaan laga dhisay iyo maxkamadaha.

Guddoomiyaha degmada Xuddur Maxamed Macalin Axmed iyo Guddoomiye ku xigeenka maamulka, maaliyada gobolka Bakool Maxamed Cabdiraxmaan Ciro ayaa sheegey in wafdigaan deegaanka lagu sugayay ayna ka rajaynayaan in ay xaliyaan arrimo badan.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka: