Dhageyso: Madaxweyne Lafta Gareen oo xil ka qaadis ku sameeyay Wasiiro ka Tirsan Maamulkiisa

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya C/Casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa xilka qaadis ku sameeyay qaar ka mid ah Wasiirradiisa waxaana uu magacaabay beddelkooda.

Wasiirrada Xilalka laga qaaday ayaa waxaa ay kala yihiin Waxbarashada iyo shaqada iyo shaqaalaha iyo ku xigeenka wasaaradda waxbarashada.

C/Raxmaan Cismaan Malaaq ayaa laga qaaday xilka Wasaaradda Waxbarashada waxaana beddelkiisa loo magacaabay Maxamed Yuusuf Xasan.

Faysal Cabdullahi Cali Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ayaa laga qaaday,waxaana loo dhiibay C/Qaadir Cumar Cabdullahi.

Sidoo kaloe Jabriil Maxamuud Aadan ayaa laga qaaday xilka Wasiir ku xigeenka Wasaaradda waxbarashada waxaana loo magacaabay C/Fitaax Isaaq Maxamed

Wareegtada Xilalka looga qaaday Qaar ka Tirsan wasaairada Koofur Galbeed kuwa kalena lagu magacaabay ayaa waxaa warbaahinta u Akhriyay Agaasimaha Warfaafinta Koofur Galbeed Maxamed Deeq.