Booliska Kenya oo Hawlgal ku qabtay mukhallisiin ku dhuumaaleeysanayay Xaafada Islii

Booliska dalka Kenya ayaa howlgal ka sameeyay Xaafada ay Soomaalida ku badan tahay ee Islii ee Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Howlgalka ay sameeyeen Ciidanka Kenya ayaa intii uu socday waxaa lagu soo qabtay 2 qof oo Mukhalasiin ah iyo 11 qof oo Dumar  oo ay tahriibinayeen.

Sida laga soo xigtay Waaxda Baarista C.I.D 11-ka dumarka ah ee la tahriibinayay oo dadooda u u dhaxeyso 23 ilaa iyo 30 sanno ayaa ku jiray qol ku yaalla state-ka lagu magacaabo Ushirika ee Islii.

Labada Nin ee tahriibinyay dadkan ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Thabit Hanni Yaseen Radman iyo Faren Yassin Radman, waxaana lagu wadaa in in maanta oo Isniin ah la soo taago Maxkamada Nairobi.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com