Baarlamaanka Puntland oo Hal Arin isku khilaafsan

Golaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta leh fadhi ay uga arrinsanayaan dood dhinaca awoodda ah oo maalmihii la soo dhaafay u dhaxeysay Xukuumadda Deni iyo Golaha Baarlamaanka.

Dooddan ayaa salka ku heysa cidda noqoneysa ku simaha Madaxweynaha marka ay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ka maqanyihiin degaannada Puntland.

Golaha XUkuumadda ee uu hoggaamiyo Siciid Cabdullahi Deni ayaa qaba in marka ay sidaasi dhacdo ku simaha Madaxweynaha uu yahay Wasiirka Cadaaladda Puntland.

Hayeeshee Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa iyaguna ku doodaya in marka ay sidaasi dhacdo awoodda ku laabaneyso Baarlamaanka islamarkaana guddoomiyaha Baarlamaanka noqonaya ku simaha Madaxweynaha.

Dooddan ayaa soo shaacbaxday shalay kaddib markii Ismaaciil Maxamed Warsame oo ah Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Puntland uu Deni ku eedeeyay in uu Wasiirka Caddaaladda ka dhigay ku sime taas oo aan sharciga Puntland waa faqsaneyn.

Kulanka Baarlamaanka ee maanta ayaa lagu wadaa in arrintaas looga doodo islamarkaana laga soo saaro go’aan kama dambeys ah oo lagu kala saarayo tartanka dhinaca awoodda ah ee soo kala dhexgalay Xukuumadda iyo Baarlamaanka Puntland.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com