Dhageyso: Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo digniin soo saaray

 Taliyaha ciidanka xoogga Soomaaliya Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo warbaahinta u waramay ayaa sheegay in waayahan dambe ay soo bateen gaadiidka sida sharci darrada ah loogu buufiyey astaanta ciidanka xoogga dalka.

Taliyaha ayaa digniin u diray dad uu sheegay in si sharci darro ah ay u isticmaalaan gaadiid lagu buufiyey astaanta militeriga Soomaaliya, waxuuna sheegay in cidii lagu arko hada kadib ay kala wareegi doonaan.

Taliyaha ayaa sidoo kale digniin u diray Ciidamada dawlada ee lagu Eedeeyo in dhac ay u geystaan dadka shacabka ah kuwaas oo xaafadaha Magaalada muqdisho dadka moobeeylada uga qaata

Ugu dambeyntii Generaal Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono dadka kooxaha dhibaateeya shacabka