Taliyaha Militariga Soomaaliland oo safar qarsoodi ah ku tagay degaanka Tukaraq

Taliyaha guud  Ciidamada Somaliland jeneral Nuux Ismaaciil Taani, ayaa socdaal qarsoodiya ku Tugay degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, halkaas oo ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Puntland iyo Somaliland.

Jeneraal Ismaaciil  Taani oo ku sugan Aaga Tukaraq, ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada Somaliland ee halkaasi jooga iyo waxgaradka degaanka, inkastoo aan la Ogeyn Arimaha laga arrimaha uu kala hadlayo.

Somaliland muddooyinkii u dambeeyay xoojisay Ciidamada ka jooga Tukaraq, kuwaas oo lagu soo kordhiyay Ciidamo cusub oo tababaro soo qaatay, iyadoo ciidamadii horay u joogay Aaga Tukaraq qaarkood degaanno kale loo beddelay.

Puntland, ayaa iyadana  Ciidamo cusub oo la soo tababaray ku xoojisay ciidamadeeda ku sugan Tukaraq, halkaas oo labada dhinac isku hor- fadhiyaan.

Dhaq dhaaqyo Ciidan ayaa maanta laga dareemaya degaanka Tukaraq ee gobolka Sool halkaas oo uu dagaal ku dhex maray Ciidamo ka kala Tirsan Puntland iyo soomaaliland