Dhageyso:Wasiirka Waxbarshada Cabdilaahi Goodax Barre oo sheegay in Ardayda Puntland aysan heli doonin shaadado

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa shaaca ka qaaday in ardayda degaannada Puntland oo aan ka qeybgelin Imtixaanka Shahaadiga ee ay dowlada Federaalka  qaadeyso aan la siin doonin Shahaadado

Cabdulaahi Goodax Barre ayaa sheegay in Puntland aysan Ogoleyn in ay Soomaalida kale wax la qeyb-sadaan,waxana uu sheegay  DowladdaFederaalka  aysan Shahaado siin doonin qof aan ka qeyb-gelin Imtixaanka.

WasiirkaWasaarada Waxbarashada Xukuumadda Federaalka  ayaa sheegay in sanadkii hore ay jireen wadahadalo la doonayay xal loogaga gaaro khilaafka Arintaasi ku saabsan balse uu dib u dhac ku yimid wada hadalkaas

Kal hore ayaa Dawlada Federaalka ay Shahaadada Dugsiga sare u diiday ardayda Puntland taas ooKeentay  xiisad soo kala dhex gashay dawlada Federaalka iyo Maamulka Puntland