Madaxweyne Qoor Qoor oo Dhuusamareeb kula kulmay Ururada Bukshada Rayidka

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa xarunta Madaxtooyada Galmudug  ku qaabilay Mas’uuliyiinta Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo Dhuusamareeb u Tagay dhiirrigelinta shirkii wada Tashiga Galmudugee ay yeesheen Madxda Maamul goboleedyada dalka

Xubnaha Ururada Bulshada Rayidka Soomaliya ayaa bogaadiyey hoggaaminta Wanaagsan ee madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ee ku saabsan xal u helida khilaafaadyada siyaasadeed ragaadiyeyDalka , nabadeynta iyo isku keenida Bulshada.

Madaxweynaha galmudugAxmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa door Wanaagsan ka qaatay Martigelinta shirka wadatashiga ee magaalada dhuusamareeb ay ku yeesheen isaga iyo Madaxda kale ee dawlad goboleedyada Dalka