Dhageyso:Gudoomiyaha Golaha shacabka oo dhaliilay Socdaal ka uu dhuusamareeb ku tagay mahad Cabdala Cawad

Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka horyimid baaqii madaxd goboleedyada dalka ee ahaa in xiligaan doorasho qof iyo cod ah aysan ka dhici karin, loona baahan yahay in la aado doorasho dadban.

Guddoomiye Mursal oo ka hadlay kulankii  ay maanta yeesheen xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in aysan aqbalayn doorasho dadban oo dalka ka dhacda 2020/2021, sidoo kale xusay in dowlad goboleedyadu aysan la hayn go’aanka doorashada.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka hadlay socdaal  Guddoomiye ku xigeenka labaad Mahad Cawad uu ku tegay Dhuusamareeb, wuxuuna tilmaamay uusan u tegin matalaad uu matalayo Golaha Shacabka, balse u iskiis ku aaday halkaas.