Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha ka dhashay dab ka kacay Boosaaso

Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya Khasaare nafaeed uu ka dhashay dab ka kacay gurya ay deggan yihiin Qoysas danyar ah oo ku yaalla Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Dabka waxaa ku geeriyooday afar Caruur ah oo saddex kamid ah walaalo yihiin waxaana ku gubtay qaar kamid ah Guryihii ay ku noolaayeen Qoysaska inkastoo aan weli si rasmiya loo sheegin tirada Guryaha ku gubtay Dabkaas.

Dab-demiska Dowladda Hoose ee Degmada Boosaaso iyo kan Shirkadda Isgaarsiinta Golis ayaa markii dambe ku guuleystay in dabka ay damiyaan

Lama oga khasaaraha Rasmiga ee ka dhashay Dabka hayeeshee Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegay in ay baarayaan dabkaasi waxa keenay iyo khasaaraha kale ee ka dhashay

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com