Madaxweyne Deni oo Garoowe ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Jubland

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Garoowe ku soo dhoweeyey wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe

Madaxweynaha Jubaland, waxa uu ka qayb-galaya Aaska Qaran ee Maanta Garoowe loogu samaynayo Madaxweynihii hore ee Puntland, Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi.

Soo dhoweynta wafdiga Madaxweynaha Jubbaland waxaa qayb ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Wikiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Ku-xigeenadiisa masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha puntland , Isimo, saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin kale.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com