Madaxweyne Qoor Qoor oo Garoowe gaaray

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “QoorQoor” iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Garoowe ee xaruunta maamulka Puntland waxaana garoonka Diyaaradaha Garoowe kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni.

Madaxweynaha Galmudug ayaa Magaalada Garoowe kaga qayb galaya aaska Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xassan Abshir Faarax.

Dawlada Federaalka iyo Madaxda Maamul goboleedyada aya si wadajir uga qaybgalaya Aaska loo sameynaayo Ra’iisal wasaarihiihore Soomaaliya Xasan Abshir oo ku geeriyooday dalka Turkiga balse meeydkiisa lagu Aasi doono Magaalada Garoowe

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com