Dowladda Somaliya oo ku dhawaaqday inay Ciid tahay

Dowladda Federalka Somaliya ayaa ku dhawaaqday inay tahay ciid, kadib markii meelo ka mid ah Muqdisho & gobolada dalka Somaliya laga arkay bisha Shawaal.

Wasiirka Diinta & Awqaafta Xukuumadda Federalka Somaliya, Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo ka hadlayay Tv-ga Dowladda ayaa shaaciyay in bisha laga arkay Muqdisho & gobolada dalka.

Wasiirka ayaa sheegay markii hore shacabka inay u sheegeen inay tahay berri maalin Soon ah, balse xaqiijin badan kadib la ogaaday inay Ciid tahay.

Qaar ka mid ah Shacabka Muqdisho oo arkay bisha Soon-fur ayaa la xiriiray Wasaaradda Diinta & Awqaafta, islamarkaana u sheegay inay arkeen bilashada bisha.

Horay waxaa ugu dhawaaqay berri inay ciid tahay Al Shabaab & Maamulka Jubbaland oo sheegay in deeganada ay ka kala arimiyaan laga arkay Bisha Soonfur.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com