Dhul-gariir ka dhacay dalalka Iiraan iyo Lubnaan

Saakayto oo Talaado ah, waxa uu Dhul-gariir Halbeegiisu ahaa 5.2 Richter Scale ka dhacay Tuullada Dorz ee Degmadda Larestan ee Gobalka Fars ee Koonfurta dalkaasi.
Agaasimaha Guud ee Xafiiska Maaraynta Xasaradaha ee dalkaasi, Khalil Abdullahi ayaa sheegay in Kooxaha Gurmadka iyo Baadi-goobka ay u direen Gobalka uu Dhul-gariirku ka dhacay.
Waxa uu tilmaamay inuu Dhul-gariirku dhacay saakayto oo Talaado ah, abaarihii 09:35 daqiiqo ee xilliga dalkaasi, una dhiganta 06:05 daqiiqo ee Waaberigii hore ee xilliga Greenwich Mean Time (GMT).
Dhul-gariirka barqanimadii maanta ka dhacay Koonfurta dalka Iran waxaa la sheegay inay ubucdiisa ahayd meel 10 KM u jirta Tuullada Dorz ee uu Dhul-gariirku ka dhacay.
Dabayaaqadii Bishii la soo dhaafay ee January waxa uu Dhul-gariir Halbeegiisu ahaa 5.9 Richter Scale ruxay Tuullada Khoy ee W/Galbeed ee dalkaasi, iyadoo ay 3 qof ku geeriyootay, halka ay in ka badan 1,000 qof ku dhaawacmeen, halka ay guryo iyo hanti kale ku baaba’een.
Dhanka kale, Dhul-gariir Halbeegiisu ahaa 4 darajo ee Richter Scale ayaa waxa uu Waaberigii hore ee saakayto oo Talaado ah ka dhacay meel ka baxsan Xeebaha Koonfureed ee dalka Lebanon.
Xarunta Qaranka ee Xogta Dhul-gariirka dalkaasi ee (NOAA) waxay ku dhawaaqday inuu Dhul-gariirkaasi dhacay 4:23 daqiiqo xilliga dalkaasi ama Salaada subax ka hor.
Ubucda Dhul-gariirka waxaa laga dareen meel 64 KM u jirta magaallada Sidon oo ah magaalladda 3-aad ee ugu weyn dalkaasi.
Lama soo tebinin Khasaaro ka dhashay Dhul-gariirka saakayto ka dhacay magaalladda Sidon oo ay ku nool yihiin 800,000 oo qof.
Magaalladdaasi oo docda ku haysa Badweynta Mediterranean waxay Caasimadda dalkaasi ee Beyruut u jirtaa 40 KM.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com