Dib u dhac ku yimid shirkii maanta la filayay in Dhuusamareeb uu ka Furmo

Iyadoo maanta lagu waday in Dhuusamareeb uu ka Furmo shirkii uu Iclaamiyay Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa u muuqda Mid baqday

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa shaaciyay in aysan jirin mas’uul Tagay Magalada Dhuusamareeb

Wasiir Falagle ayaa sheegay in ay rajeynayaan in saacadaha soo socd Dhuusamareeb ay gaaraan Madaxda Dawlad Goboleedyada iyo Dawlad Federaalka si shirka halkaasi uu uga Furmo,

Wasiirka Warfaafinta Galmudug ayaa  Tilmaamay In Amniga Dhuusamareeb uu wanaagsan yahay islamarkana Ciidanka qaybahooda kala duwan ay u diyaarsan yihiin suguda Amniga Wafuuda ka qayb galaysa shirkasi

 Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com