Maamulka Jubland oo qirtay in Maxaabiis looga qabtay dagaalkii Balad Xaawo

Wasiirka amniga ee maamulka Jubaland, Cabdirashiid Xasan Cabadinuur (Janan) ayaa qirtay in dagaalkii dhawaan ka dhacay degmada Beled Xaawo looga qabtay ciidamo ka tirsanaa askartiisa.

Janan oo BBC u warramay ayaa sheegay in ay jiraan ciidamo dhan 37 askari oo qaarkood la qabtay qaarna ay is dhiibeen.

“Anaga ciidan 37 qof ah ayaa 16 ka mid ah la qabtay inta kalana ay is dhiibeen, laakiin labo boqol iyo boqol midna nagalama qaban,” ayuu yiri.

Gudoomiyaha gobolka Gedo, Axmed Buulle Gareed, ayaa waraysi uu siiyay BBC ku sheegay in ciidan dhan 250 askari ay ku qabteen dagaalkii 25-kii January ka dhacay Beled Xaawo.

Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya askar sheegay inay ka tirsanaayeen ciidanka Jubaland ee dagaalka lagu qabtay.

Wasiirka amniga ee maamulka Jubaland Cabdirshiid Xasan Cabadinuur (Janan) ayaa dhanka kale qiray in looga itaal roonaaday dagaalkii dhawaan ka dhacay degmadaas deriska la ah magaalada Mandheera.

Waxaa uu intaa ku daray in magaalada ay markii hore qabsadeen balse markii dambe khataro soo wajahay darteed ay ka soo baxeen.

“Talagalkeenu ma ahayn inaan ka laabano (magaalada) laakiin way dhacday in laga laabto oo ay ciidankii dib u laabtaan saacado kadib xaalado dhacay awgeed,” ayuu yiri.

Wasiir Janan ayaa waxaa uu dhanka kale beeniyay in uu ku sugan yahay gudaha dalka Kenya. Waxaa uu sheegay in isaga iyo ciidamadiisa ay joogaan gudaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaanka Dhuxun Dhurwaa ee duleedka Beled Xaawo.

“Anigu waxaan ku suganahay duleedka magaalada Baledxaawo oo horey-na aan ugu sugnaa muddo dheer aniga iyo ciidamadeyda iyo masuuliyiin kale oo reer jubaland ah,”

Janan oo aan wax ka waydiinay wax ka jira in milateriga Kenya ay gacan siinayaan ciidamadiisa ayaa yiri, “arrintasai waxbo kama jiraan”.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay Kenya inay tababar iyo deegaan siisay xooggaga Jubaland ee uu Janan hogaaminayo, eedeyntaas oo ay beenisay xukuumadda Nairobi.

Janan ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay hub culus keentay gobolka Gedo isla markana hubkaasi loo adeegsaday dagaalka.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com