Hir-Shabeelle oo ay ku dhufatay abaar aad u daran .

Wasiirka  Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Musiibooyinka Dowlad Goboleedka  Hir-Shabeelle Cabdi Mahad Qoor gaab ayaa sheegay inay diyaariyeen Qorshe wax looga qabanayo Qooysaska Abaaraha ay saameeyeen ee munool Deegaanada Maamulkaas.

Wasiirka oo shir jaraa’id Warbaahinta u qabtay waxaa uu sheegay in guud ahaan dalka gaar ahaan degaannada Hir-Shabeelle ay siweyn u saameeysay abaarta, sida Biyo la’aan baahsan , sidoo kalena uu ugu darsamay in mar Wabiga uu noqdo mid caaruq ah marna fatahaad looga barakacayo.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in dadkii fatahaada ka barakacay degaannadii ay aadeen ay ku haleeshay abaarta oo ay ka baaba’een Xoolihii iyo dalagii kala duwanaa taasina ay qatarteeda leedahay.

Ugu dambeyn Wasiirka waxaa uu sheegay in meelaha ugu daran ee xilligaan ay abaarta kajirto ay yihiin tuulooyin hoostaga Magaalada Bedweyne, Degmooyinka Matabaan iyo Maxaas oo Gobolka Hiiraan ah & Degmada Raaga Ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Degaano badan oo ku yaalla Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa xilligaan kajira abaar saameyn ku yeelatay dad iyo aduunyo, iyada oo Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada uga mashquuleen Arrimaha doorashooyinka.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com