Midowga Musharixiinta oo cambaareeyay weerarkii Hotelka Afriik

 Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si kulul waxaa ay uga hadleen weerarkii geystay khasaaraha kala duwan ee lagu qaaday hotelka Afriik ee Magaalada Muqdisho, iyaga oo sigaar ah uga tacsiyadeeyay Janeraal Galaal oo weerarka ku geeriyooday.

Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Kheyre, Madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud oo dhamaantood kamid ah Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ay ka tacsiyadeeyeen dadkii ku dhintay weerarkaas, sigaar ah geerida Janeraal galaal.

Waxaa ay ku eedeeyeen Madaxda dowladda Soomaaliya inay ka gaabiyeen sugida ammaanka dalka iyo la dagaalanka Ururka Al-Sbabaab oo ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday Hotelka Afriik.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamada ammaanka toogteen Saddex kamid ah raggii weeraray hotelka halka mid kale uu is qarxiyay, sidoo kale weerarka ay ku dhinteen 5 Ruux oo uu kujiro Janeraal Galaal.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com