Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Deni iyo Siyaasiyiinta Puntland?

Madaxweynaha Maamulka  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay Kulan Wada-tashi ah oo ku saabsan Arimaha doorashooyinka Soomaaliya yeeshay Siyaasiyiin iyo Ururada Bulshada Rayidka ah ee Puntland.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada puntland  waxana  ka qayb-galay Siyaasiyiin Aqoonyahanno  iyo Ururada Bulshada Rayidka Puntland oo dhammaan ka kala yimiid degaanada Puntland  .

 “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa  kulan xog wareysi iyo wadatashi isugu jira oo ku saabsan xaaladda Dalku marayo la yeeshay qeybaha kala duwan ee Masuuliyiinta, Siyaasiyiinta, Aqoonyahannada , Waxgaradka iyo Ururada Bulshada ee Puntland ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.”

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com