Dib-udhaca doorashooyinka dadban oo mugdi hor leh sii galinaya rajada dalka.

Dib-udhaca doorashooyinka dadban, ayaa marba marka ka danbeeya mugdi hor leh sii galinaya dalka, Farmaajo oo aan marnaba dooneyn in doorasho dalka ka dhacdo ayaa ku sugan Madaxtooyada, halka Xukuumadda Rooble, iyo horjoogayaasha Maamullada ay afar bilood ku qaadatay doorashada 54-ka kursi ee Aqalka sare.

Daahidda iyo caajiska doorashadu waxay sababtay hubanti la’aan dhan kasta ah, iyadoo dhibaatada ugu badan dul hoganeyso shacabka, guud ahaan ganacsiga ayaa taagsan, waxaana sare u kacay qiimaha maciishadda, halka ay joogto noqotay canaanta ka imaaneysa beesha caalamka.

Hadaba sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah, Golaha Midowga Musharixiinta oo todobaadyadii la soo dhaafay uu cadaadiskoodii hoos u dhacay, ayaa doonaya in wixii ka danbeeya dhamaadka bisha December, ay qaadaan tallaabo ka dhan ah Xukuumadda Rooble, oo u muuqata mid qeyb ka qaadaneysa cagajiidka doorashada.

Xubno muhiim ah oo ka tirsan Midowga Musharaxiinta, ayaa inta kale ee Golaha u soo jeediyay in laga hortago hubinti la’aanta siyaasadeed, wixii ka danbeeya dhamaadka sanadka, waxayna soo bandhigeen in la dhiso Gole Qaran oo kumeel gaar ah (National Transitional Council) oo dalka gaarsiiya doorasho xor ah oo loo dhan yahay.

Musharixiinta ayaa intooda badan ka maqan dalka, waxaana la filayaan in ay todobaadkaan soo gaaraan Caasimadda, hakaas oo lagu ballansan yahay inuu ka dhaco shirweyne ay uga arrinsanayaan sidii dhidibada loogu taagi lahaa National Transitional Council, isla-markaana looga qeyb galin lahaa qeybaha kala duwan ee bulshada.

Musharixiinta ayaa lagu xasuustaa habkii ay uga hortageen, sharci noqoshada muddo kordhitii Farmaajo samaeystay bishii April, hayeeshee, waxa ay ka cabsi qabaan in muddadu intaas ka sii dheeraato.

Xubno ka tirsan Midowga, ayay warar soo baxay sheegayaan in ay garab siyaasadeed si hoose ula noqdeen kooxda Farmaajo, kuwaas oo horrabna ka gaabsadaday dhisidda Golahaan cusub.

Beesha Caalamka dhankooda waxa ay xuseen in mar walba oo uu dib-u-dhaca doorashadu daba dheeraado ay ka dhigan tahay in ay sii yaraanayaan ka jawaabista xaaladaha beni’aadanimo ee abaaraha, dowlad-dhiska iyo xaqiijinta amniga.

Guddiga doorashooyinka heer federal, wuxuu dhawaan xaqiijiyay in doorashada Golaha shacabka la soo af-meerayo ka hor dhamaadka sanadka, halka wakiillada Beesha Caalamku, si weyn u garab taagan yihiin aragtidaas.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragtiCusub.com