Dibad bax balaaran oo maanta ka dhacay Muqdisho

Dibad bax balaaran aya manta ka dhacay Magaalada Muqdisho kaasi oo lagu taageryay qaraarkii Madaxwayne Farmaajo ku meel mariyey 13-Kursi oo Aqalka sare uu ku yeelanayo Gobolka banaadir.

Dadkii ka qayb galay dibad baxa ayaa muujiyay sida ay ugu Faraxsan yihiin Talaabada  lagu meel mariyey Kuraasta gobolka Banaadir.

“Waxaanu isugu soo baxnay Xaqii ka maqnaa gobolka Banaadir ee Madaxwaynaha uu saxiixay, Anagana waxaan u taaganahay inaan ka faa’iidaysano Fursada aan helnay ayay yiraahdeen Dadkii banan baxa ka qayb galay”.

“Waxaan leeyahay Madaxwayne Farmaajo Jir oo Joog, Waanu kaaga mahad celinaynaa go’aanka aad Qaadatay, Waan faraxsanahay saaka ayay sidoo kale hadalkooda raaciyeen Dadkii ka qayb galay dibad baxa”.

Shacabka gobolka banaadir qaarkood ayay maanta uga dhigan tahay maalin Farxadeed, waxaana go,aankan uu lagu ansixayay kuraasta gobolka banaadir  uu ka helay Aqalka sare ay ahayd mid la wadaga sugayay.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com