Maamulka Gobolka Banaadir oo soo dhaweeyay 13 Kursi uu gobolka Banaadir ka helay Aqalka Sare

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho  Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish  ayaa soo dhoweeyey go’aanka taariikhiga ah ee uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku saxiixay in Gobolka Banaadir Matalaad ku yeesho Aqalka Sare, iyadoo ay heli doonto Banaadir 13 kursi.

“Maanta waxaan doonayaa inaan mahad balaaran uga jeedinayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabddullaahi Farmaajo oo runtii qalinka ku duugay matalaaddii gobolka Banaadir oo in muddo ah bulsho weynta gobolka banaadir ay ka sugayeen, waxaan leeyahay, waan kaaga mahadcelinayaa haddii aan nahay bulshada Banaadir, aniga oo ku hadlaya magaca bulshada Banaadir” ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.

Duqa Caasimadda ayaa xusay in matalaadda gobolka banaadir oo ah 13 kursi oo ay ku yeelanayan Golaha Aqalka Sare ee dalka in ay kal hore meel mariyeen labada Gole ee dowladda kadib markii uu Madaxweynaha codsi u jeediyay labada gole, isagoo intaa ku daray in bulshada Gobolka Banaadir ay dhigeen banaan baxyo nabadeed oo loogu mahadcelinayay Madaxweynaha., Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.

 

“Arrintan waa arrin taariikhi ah, waana arrin sharaf u ah bulshada Benaadir, waan soo dhaweyneynaa, waana muujin doonaa sida aan u taageersannahay ama aan uga mahadcelineyno Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”ayuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir hadalkiisa ku soo xiray

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com