UNHCR oo dalka Itoobiya ka wado qorshe guryo loogu dhisayo qaxootiga Soomaaliyed ee ku nol Dalkaasi

Hay,adda Qaramada Midoobay Qaxootiga UNHCR   ayaa sheegtay in guryo ka wanaagsan hoyga ay hada ku jiraan loo dhisayo qaar ka mid ah qaxootiga Soomaaiyeed ee ku jira xerada Melkadida ee dalka Itoobiya .

Hay’adda UNHCR xafiiskeeda Itoobiya ayaa sheegtay in talaabadan ay tahay mid muhiim ah oo caawin doonta qaxootiga oo dhibaato dhanka hoyga ah ay heysay.

Tira koobkii ugu danbeeyay  oo ay hay’adda qaxootiga adduunka UNHCR soo saarto ayaa lagu sheegay in dadka qaxootiga ee Soomaaliyeed  ay gaarayaan in ka badan 34,000.

Qoysaska Soomaaliyeed ee Qaxootiga ku ah Dalka Itoobiya ayaa  doonayay in loo qaadoo dalka maraykanka halkaasi oo ay doonayeen in ay ka helaan nolol ka wanaagsan tan hadda ay sugan yihiin hase yeeshee waxaa saameeyn xooggan ku byeeshay go,aankii uu madaxweynihii xilka ka dagay marayknka Donal Trump uu ku mamnuucay safarada Dalal badan oo Soomaaliya ay ku jiro.

Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com