Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya Ciidamo Kenyan ah oo qarax lagula eegtay duleedka Mandheera

Inta la Ogyahay Hal Askari oo ka Tirsan Ciidanka Kenya ayaa ku dhintay Tiro  kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib qarax miino oo waddada loogu aasay Ciidanka Kenya oo marayay wadada xirira degmada Mandheera iyo Balad Xaawo .

Taliyaha Booliska Gobolka Waqooyi bari Kenya ayaa sheegay in werarka uu dhacay kaddib markii gaariga ay la socdeen saraakiisha amaanka uu la kulmay miin waddada dhinaceeda la dhiggay.

.Cidna ma sheegi karto sida miinooyinka  loo dhigo waddooyinka iyadoo aysan ka warqabin dadka deegaanka,” ayuu Taliyaha

Waxa uu sheegay in dadkii ka dambeeyay dhacdadan aan la helin maadaama ay baxsadeen, isagoo intaa ku daray in ciidamada amaanka ee halkaas gaaray wax yar kadib markii uu qaraxu dhacay ay sheegeen inaysan cidna qaban

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com