Dibadbax looga soo horjeedo Xariga Xaqdarada ah ee Wariye Kilwa oo maanta Muqdisho ka dhacay

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed Somali Journalists Syndicate – SJS iyo weriyayaasha Soomaaliyeed ayaa maanta isu-soo-bax aamusan oo lagu dalbanayo xorriyadda weriye Kilwe Aadan Faarax ka dhigay Muqdisho.

Kilwe wuxuu in ka badan 21 cisho ku jiraa cabsi xaq darro ah kaddib markii la xiray 27kii Disembar, kaddibna eedeyn ‘been abuur ah’ lagu soo rogay 11kii Jannaayo isagoo ku jira xabsiga Garowe.

Saxaafaddu denbi ma aha. Dastuurka Puntland, kan Federaalka iyo dhammaan xeerarka caalamiga waxay si cad u adkeeyeen xorriyadda hadalka iyo xuquuqda bani’aadamka.  Masuuliyiinta #Puntland waa inay siidaayan Kilwe Aadan, ayna joojiyaan beegsiga lagu hayo suxufiyiinta ka hawlgala deegaanada Puntland.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com