Diiwaan gelinta Mushixiinta Gudoonka Baarlamaanka KGS oo ka socota baydhaba

Magaalada Baydhaba xaruunta kmg ah ee maamulka Koonfur Galbeed waxaa la filayaa in a ka socda diiwaan-gelinta musharrixiinta u tartamaya xilka Guddoonka Baarlamanka maamulkaas.

Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamanka Koonfur Galbeed ayaa  qoraal ay soo saareen ku sheegay in maanta la bilaabay  diiwaan-gelinta musharaxiinta xilka  Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku-xigeen ayna ku egtahay maalinta berri.

Sidoo kale Guddiga ayaa qoraalkooda ku sheegay in 31  Bishaan la dhegaysan doono Khudbadaha ay jeedinayaan Musharaxiinta u tartameysa xilka Guddoonka Baarlamaanka labaad ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Magaalada Baydhabo waxaa lagu wadaa in Maalinta Arbacada ah ee soo socota ay ka dhacdo Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com