Diyaaradaha Kenya oo duqeyn u geystay Xarunta Shirkada Hormuud Ceel-Waaq.

Ceelwaaq,Diyaarad dagaal oo ay leedahay dowlada Kenya ayaa duqeyn ku bur burisay xarunta Shirkada Hormuud ee Degmada Ceelwaaq.

Dad goob joogayaal ku sugan deegaankaas oo aynu la xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay duqeyntaas.

Xarunta ay duqeeyeen diyaaradaha ayaa bur bur xoogan soo gaaray Sidoo kale anteenooyinki shirkada ayuu saameyn xoogan ku yeeshay.

Ma jiraan wax khasaare nafeed ah oo ilaa iyo haatan naloo xaqiijiyay.

Dowladda kenya ma aysan ka soo saarin war la xiriira sabahaha ilaa iyo haatan u duqeeyeen Xarunta Shirkada Hormuud ee degmada Ceelwaaq Gobolka Gedo.

Xafiiska Wararka ,Muqdisho.

Info@aragticusub.com