Doorashada Afar kamid ah kuraasta Aqalka Sare oo ka dhacday Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa manta lagu qabtay doorashada Afar kamid ah kuraasta Aqalka sare ku matalayesa Maamulka Jubbaland, kaas oo ay ku taramayeen 8 Musharax.

Kurisgii ugu horreeyay ayaa waxaa ku tartamay Ilyaas Badal Gaboose iyo Maxamed Axmed Sayid, hayeeshee waxaa 55 Cod ku guuleystay Ilyaas Badal Gaboose halka Maxamed Axmed Sayid uu helay 17 Cod.

Kursiga labaad ayaa waxaa ku tartami laha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag & Axmed Maxamed Jaamac, hayeeshee Axmed Maxamed Jaamac uu tanaasulay, waxaana 71 Mudane ay u codeeyeen in Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag uu noqdo Xildhiban ka tirsan Baarlamaanka 1aad.

Kursiga Saddexaad ayaa waxaa ku tartamay Xaliimo Jaamac Maxamed iyo Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan, waxaana 59 Cod ku guuelystay Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan halka Xaliimo Jaamac Maxamed ay heshay 12 Cod.

Kursiga Afaraad ee doorashada Maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku tartami lahaa Ibraahim Yacquub iyo Iftiin Xasan Iimaan Baasto, hayeeshee Ibraahim Yacquub ayaa tanaasuley, waxaana Iftiin Xasan Iimaan Baasto uu gacan taag ah ku noqdo Xildhibaan ka tirsan Aqalka sare.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com