Dowlada Kenya oo shaacisay xiliga ay ciidankeeda kala baxeysa Soomaaliya .

Warbaahinta dalka Kenya ayaa daabacay war ku saabsan in Dowlada Kenya ay wado qorshe ay ku dooneyso in ciidankeeda jooga gudaha Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Jubbaland kala baxdo.

Wargeyka Daily Nation ayaa qoray in dowlada Kenya go’aansatay in ciidankeeda kala baxdo Soomaaliya, waxaana qorshahan Kenyan ciidankeeda uga saareyso Soomaaliya hogaamineysa Wasiirka difaaca dalkaasi Marwo Munica Juma.

Dowlada Kenya ayaa wadahadalo ay ku dooneyso in ciidankeeda kala baxdo Soomaaliya la yeelaneya Midowga Afrika, waxaana la filayaa in wadahadaladan isbuucyada soo socda yeeshaan Kenya iyo Midowga Afrika.

Ciidamada Kenya ayaa Soomaaliya soo galay ogolaansho la’aan sanadkii 2011-kii , hasa ahaatee sanadkii 2012-kii ayaa midowga Afrika ogolaaday in ciidamada Kenya qeyb ka noqdaan kuwa AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.como