Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidanka Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Ururka 143Aad ee guutadda 14 October oo Fadhigoodu yahay degaanka Bariire ayaa Howlgal ka dhan ah dagaalamayaasha ururka Al-Shabaab waxaa ay ka sameeyeen tuulooyin hoostaga Bariire.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay, isla markaana intuu uu socday ay ku dileen Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo tuulooyinkaas ku sugnaa. Sidoo kale waxaa ay saraakiisha sheegeen in ay soo saaray Miinooyin Al-shabaab ay ku Aaseen wadda xariirisa Bariire iyo degaanka Number 50, oo dhowr jeer oo hore ay ka dhaceen weeraro kala duwan.

Ciidamada Dowladda ayaa mararka qaar waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyaan degaano iyo degmooyin ka tirsan Shabeellaha Hoose, hayeeshee waxaa ay mararka qaar weeraro kala kulmaan Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka jowhar.

Info@aragticusub.com