Waxyeelada uu gaystay dabkii ka kacay Hotel Royal Palace (SAWIRRO)

Shaqaalaha gurmadka deg-degga ee dab demiska Gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay inay gelinkii dambe ee Khamiistii demiyaan dab xoogan oo ka kacay Hotel Royal Palace, oo ku yaala Degmada Cabdicasiis ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

 

Dabka oo aan la aqoon waxa sababay ayaa ka kacay qaybta jiifka ee hotelka, waxaana lagu wargeliyay shaqaalaha dab demiska, kuwaa oo markii ay soo gaareen ku guuleystay inay baqtiiyaan.

Shaqaalaha ayaa ka hortagay in dabka uu ku fido qaybaha kale ee dhismaha hotelka, iyagoona ku guuleystay in hotelka intiisa kale ay badbaadiyaan.

Agaasimaha waaxda dab demiska ee Gobolka Banaadir ayaa qiray inuu dabkaasi gaystay khasaaro hantiyadeed, oo aan weli tiro-koob lagu samayn, balse uu khasaaruhu badanyahay, sida uu yiri.

Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in shan ka mida shaqaalaha dab demiska ay ku gubteen dabkaasi, intii ay ku hawlanaayeen demintiisa.

Maamulka hotelka ayaa uga mahadceliyay shaqaalaha dab demiska, Taliyaha Saldhiga iyo dhammaanba dadkii kale ee ka qayb qaatay, sidii dabkaasi lag baqtiin lahaa.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com