Dowladda Qatar oo taageero horleh u balan qaaday Maamulka Galmudug

Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Cali Dahir Ciid oo maalmahaan ku sugan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa kulan gaar ah waxaa uu la qatay Safiirka Dowlada Qatar u fadhiya Soomaaliya ee Xasan Bin Xamsa.

 

Kulanka ayaa labada mas’uul waxaa ay uga wada hadleen Arimaha Hormarinta Galmudug iyo kaalinta ay Dowlada Qatar ka qadanayso dib u dhiska Hay,adaha kala Duwan ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Sidoo kale Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in kulanka la isku soo qaaday sidii Dowlada Qatar ay Galmudug uga caawin lahayd dhismaha Ciidanka Daraawiishta Galmudug si ay uga qeyb qaataan sugida Amniga degaannada maamulkaas

Dowladda Qatar ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageera Soomaaliya,waxaana sidoo kale la sheegaa inay saaxiibod how la tahay Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo in kastoo ay jiraan dowlado iyo Siyaasiyiinta qaarkood oo dhaliilo u jeediya.

 

Dowladda Qatar ayaa horay waxaa ay balan qaad u sameysay qaar kamid ah dowlad Goboleedyada,sida Koonfur Galbeed, Hir-Shabeelle, Puntland, Jubbaland iyo Galmudug, kuwaas oo qaarkood fulisay qaarna weli aysan fulin.