Dowladda Turkiga oo lagu eedeeyey in ay Taageerto Maleeshiyo ku sugan Somalia iyo dalal kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda ee dalka Sacuudiga, Caadil Bin Axmed Al-Jubeyr waxa uu si kulul u weeraray Dowladda Turkiga oo uu sheegay inay taageeraan waxa uu ugu yeeray Maleeshiyooyin Xag-jir ah oo ku sugan 3 Dowlado Carbeed oo kala ah Somalia, Libiya iyo Syria, waa sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka waxa uu hadalkaasi ka sheegay Shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Caasimadda dalka Bulgaria ee Bukharest, wuxuuna carrabka ku dhuftay inay Dowladda Sacuudiga cambaaraynayso Gelitaanka Turkiga ee gudaha dalka Syria iyo Taageeradda Turkiga ee Maleeshiyooyinka ku sugan dalalka Somalia iyo Libya, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale,  Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda ee dalka Sacuudiga, Caadil Bin Axmed Al-Jubeyr waxa uu Shirkiisa Jaraa’id ku sheegay inay Dowladiisa  ka walaacsan tahay in Maleeshiyadda ku sugan dalka Syria loo daad-gureeyo dalka Libiya, wuxuuna ugu baaqay Dagaal-oogaha Libiya, Khaliif Xaftar iyo Ra’isul-wasaaraha Libiya inay xal siyaasadeed gaareen.