Dr Abdukadir’’ waxaan aragnaa in sare u kac sameynayo dadka qaadaya xanuunka COVID-19 “.

Oslo:-Dr.Abdulkadir Mahamed Ahmed oo ka mid ah dhaqaatiirta Soomaalida ee ka howlgala Magaalada oslo oo la hadlay warbaahinta aragticusub ayaa ku booriyay bulshada in taxadar dheeraad ah muujiyaan maadaama ay kordhayaan dadka qaadaya xanuunka COVID-19.

“Waxaa aragnaa in sare u kac sameynayo dadka qaadaya xanuunka Covid-19 sidaa daraadeed waa in bulshadeena taxadar dheeraad ah arintaas ka muujiyaan kuna dhaqmaan tilmaamaha caafimaad ee la xiriira xakameynta xanuunka “ ayuu yiri Dr.Abdulkadir.

Sidoo kale waxaa uu bulshada Soomaalida kula taliyay in talaalka la qaato si uu bad baadin ugu noqdo isaga oo tilmaamay in qof walba oo arintaas uga baahan talo la soo xiriiri karaan hadii ay diyaar u yihiin qaadashada talaalka ka caawin doono sidii balamo dhaw u heli lahaayeen.

Ugu dambeyn waxaa uu xusay in aysan jirin dhibaato weyn oo lagala kulmayo qaadashada talaalka marka laga reebo in xanuuna yar qofku dareemayo saacado kooban talaalka kadib isla markaana been abuur tahay in talaalka laga qadayo dhalmo la,aan.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa sare u kacay dadka qaada xanuunka safmarka ah ee COVID-19, waxaana maalmihi ugu dambeeyay xanuunka qaaday dad ka badan 1500 oo ruux.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com