Duqa Muqdish Cumar Filish oo Xadgdub ku tilmaamay Bandowga Caasimadda

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud Filish oo degmada Boondheere kula hadlay Dadweyne Banaanbax dhigayay ayaa sheegay in uu ka xun yahay dadkii Shacabka ahaa ee xalay lagu dilay Muqdisho.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay tilaabo ka qaadi doonaan Askarigii dadka Shacabka ah xalay ku dilay Muqdisho oo ay gacanta ku hayaan Hay’addaha Ammaanka.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in xadgudub uu yahay Bandowga dowladda Soomaaliya ay saartay Magaalada Muqdisho.

 “ Arinta xad gudubka ku ah dadka reer muqdisho ee bandawga go’aan ayaa ka soo bixi doono idinka ayaa idinku matalaa gobolka banaadir “ ayuu Gudoomiye cumar Filish.

Degmada Boondheere ayaa Xalay iyo Saaka waxaa ka socday Banaanbax rabshadu wata oo looga soo horjeeday Ciidanka Booliska degmadaasi.

Dadweyne Careysan ayaa isku soo baxay Wadooyinka, waxaan ay wataan taahiro, sidoo kalena dowladda dhexe ee Soomaaliya ayay ka dalbanayaan in ay Cadaalad helaan Muwaadiniintii xalay lagu dilay Muqdisho.

Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa xabsiga dhigay D/Le booliis 26869 Xasan Aadan Xasan  24 jir.

Waxaa loo heysta dilka labadda ruux ee kala ah:

1-Marxuumada Madiino Cabdullaahi Cabdi ina Faadumo Xuseen Maxamed 17 jir ah ku dhalatay Xamar dagan Boondhere,

2-Marxuun Xasan Cali Cadaawe ina Faadumo Cali Xasan 24 jir ah ku dhashay Xamar dagan Boondheere

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com