Duqeyn diyaaradaha Mareykanka ku dileen Madaxii Shirkada Hormuud ee Jilib.

Jilib,Diyaaradaha Mareykanka ee duuliye la,aanta ah ayaa duqeyn ka geystay degmada jilib ee Gobolka Jubada dhexe.

Duqeynta ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay Madaxi shirkada Isgaarsiinta Hormuud ee Jilib.

Mas,uulka la dilay oo lagu magacaabi jiray Mohamuud Xaaji Salaad ayaa la sheegay in la dilay xili uu ku sugnaa beertiisa.

Saraakiil ka tirsan Mareykanka iyo dowlada Federaalka ayaa xaqiijiyay in duqeymahaas lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa Ururka Alshabaab.

Ma jiraan war ka soo baxay Shirkada Hormuud oo ay kaga hadlayaan Madaxoodi Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com