Faah’faahin dheeri ah ayaa kasoo bexeeyso weerar ka dhacay Itoobiya.

Ugu yaraan 29 qof ayaa ku dhaawacmay weerar lagu qaaday isu bax siya asadeed oo lagu taageerayay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed kaas oo ka dhacay bartamaha Itoobiya, sida laga soo xigtay taliyaha booliska dalkaas.

Isu sobaxaas ma uusan joogin ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Booliska waxay sheegeen inay qabteen 6 qof oo looga shakiyay inay ka dambeeyeen weerarka ka dhacay magaalada Ambo.

Taliyaha booliska gobolka Oromada, Ararsa Merdesa ayaa sheegay in bambo gacmeed lagu weeraray isu soo baxa, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee dowladda Itoobiya.

Itoobiya waxaa sare u kacay qalalaasaha siyaasadeed xilli la filayo dalkaas inay ka dhacdo doorasho bisha Agoosto ee sannadkan.

Sannadkii hore ee 2018-kii ayay aheyd markii bambo gacmeed lagu weeraray isu soo bax siyaasadeed oo lagu taageerayay Abiy Axmed  oo ka dhacay magaalada Addis Ababa.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com