Duqi Magaalada Djabuti oo Xilka Iska Casishay.

Djabuti, Duqii Magaalada Djabuti ee Caasimadda Dalka Jabuuti Marwo Faatima Awaleh Cusmaan ayaa xilkii si rasmi ah isaga Casishay.

Is casilaadeeda ayaa la sheegay in ay u gudbisay Madaxweyne Ismacil Omar Gelle.

Marwo Fastima ayaa dhab ahaan la ogeyn sababaha xilkaas isaga Casishay.

Warar saacadihi ugu dambeeyay soo baxayay ayaa sheegaya in sababaha ugu weyn is casilaadeeda la xiriirto in ay ka dhaga adeegtay soo celinta shaqaale hore u cayrisay.

Shaqaalahan oo ka shaqeynayay xafiiskeeda ayuu khilaaf soo kala dhex galay sidaasina shaqada uga joojisay.

Marwo Faatima ayaa aheyd haweeneyda kaliya ee xilkaas ka qabatay wadamada ku yaala bariga Afrika isla markaana muujisay shaqa wanaag ay ku riyaaqeen Bulshada reer Jabuuti.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com