Faah-faahin dheeri ah ayaa kasoo baxeeyso darawal lagu dilay Galgaduud

Wararka aan ka heleyno deegaan ku yaalla duleedka Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay ku warramayaan in xalay halkaas lagu dilay  Nin la sheegay inuu Darawal ahaa.

Rag hubeysan oo la rumeysan yahay inay yihiin Maleeshiyo beeleed ayaa Darawalka u galay wadada, isagoona toogasho ku dilay, xili uu ku sugnaa deegaan lagu magacaabo Caliyaal oo duleedka ka ah  Caabudwaaq.

Dad yaqaanay Marxuumka la dilay ayaa magaciisa ku sheegay Faadhigo Ibraahim, isla markaana waxaa uu kamid ahaa Darawalada caanka ah ee qaadka kasoo qaada dhanka dalka Itoobiya.

Ragii ka dambeeyay falkaas ayaa goobta ka baxsaday, waxaana deegaanka Caliyaal gaaray qaar kamid ah Eheladiisa, iyagoona soo qaaday Meydka, welina lama oga sababta loo dilay Ninkaas.

Maalmihii ugu dambeeyay deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Galgaduud iyo Hiiraan ayaa waxaa lagu dilay Darawalo dhowr ah oo kaxeeyn jiray gaadiidka noocyadiisa kala duwan, kuwaasi oo loo dilay arrimo la xiriira aano beeleed.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com