Faah Faahino ka soo baxaya Dagaal ka dhacay Dhuusamareeb

Dagaalka ayaa waxa uu maanta ka dhacay Caasimadda Dowlad-gobaleedka Galmudug ee Dhuusamareeb.

Goob joogayaal  ku sugan magaalladaasi ayaa sheegaya  in  Ciiddan ka kala tirsan Booliska Haramacad iyo kuwa NISA ay isku rasaseeyeen Xeradii hore ee Ahlu Suna ee ENJI iyo meel ku dhow Xarunta Madaxtooyada ee Galmudug.

Dagaalkaasi ayaa waxay labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, wuxuuna dagaalku ku faafay xaafado ka tirsan Dhuusamareeb.

Ma kala cadda khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalkaasi  iyo waxa ay Labada Ciiddan isku qoonsadeen.

Wararkii u dambeeyey waxay sheegayaan inay Saraakiil ku baxeen dagaalkii, isla markaana ay xaalladda haatan deggan tahay.

Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu horeysay ee ay Ciiddamo ka wada tirsan DFS ku dhex dagaalamaan magaalladda Dhuusamreeb oo Caasimad u ah DG Galmudug.